Horta Anigu Yaan Ahay?

Soomaalida reer guuraaga ah waxaa ka mid ah dhaqankooda in ninku isaga oo safar ama baadi doonba ahi ku soo baxo reer meel yaalla, salaanta Islaamka ka dib su’aasha xigta ee uu weydiinayaa waxay tahay “Reer maad tihiin” iyaguna waxay u sheegayaan cidday yihiin! Ninkaasi ceeb iyo xumaan kale uma jeedo ee wuxuu rabaa inuu marka hore aqoonsado dadkan uu la hadlayaa cidday yihiin, ma cid ay colaadi ka dhaxaysay baa, ma cid nabad iyo xulafo wadaagaan baa iwm.

 

Waxaaba la odhan karaa waa halka nidaamka casriga ah ee “passport” qaadashadu ku ka soo jeedo, oo maanta London iskama soo geli kartid adiga oo aanay reer Ingiriis ku aqoonsan cidda aad tahay…waa “reer maad tihiin oo la casriyeeyay” Is aqoonsiga iyo is ahaanshaha qofku wuxuu dhib yaraa intii qabaa’ilka iyo qawmiyadaha adduunka ku nooli aanay is dhex gelin ama aanay wada degin ee ay kala deganaayeen, wuxuuse laf dhuun gashay noqday markii muhaajiriin badani ka soo tageen dhulkoodii oo yimaaddeen dhul masaafad ahaan aad uga fog, cimilo ahaan iyo dhaqan ahaana ka duwan dhulkoodii. Waxaa la sheegaa in “muhaajirkii” u horreeyay ahaa Nebi Ibraahim (cs) oo ka soo haajiray Ciraaq, Falastiin ilaa Masar oo uu aakhirkii ku danbeeyay.

 

Inta badan waxaa aad loo hadal hayaa is-bedelka ama dhalan-roganka ku yimid cimilada adduunka ee ay keentay wershadaynta xad dhaafka ah ee wadamada hore u maray, kor u kaca xaraaradda CO2 iyo sidoo kale xaalufinta dhirta.

Waxaadse mooddaa inuu jiro isbeddel ama dhalan-rogan kale oo aan sida kaa cimilada ku yimi loo hadal hayn, kaas oo ku yimid “ahaanshahii” bulshooyinka adduunka ku dhaqan qaarkood. dhalan-rogankaa waxaa isna sabab u ah dagaallada daba dheeraaday ee kellifay inay ka soo haajiraan dhulkoodii, saboolnimada iyo dheelliga ku yimid dhaqaalaha adduunka oo saamayn ku yeeshay fursadahii shaqo. Haddaynu Soomaali nahay arrinkaasi waa mid saamayn weyn inagu yeeshay ka dib markii dadkeennii ka soo baro-kaceen dhulkii hooyo oo yimaaddeen qurbaha – sababahaa aan soo sheegay awgood – ka dibna carruur ku dhalleen, carruurtaas oo iyaguna waalid noqday oo carruuro kale sii dhalay!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *