AF SOOMAALIGA IYO JIILKA SOO KORAYA

Afku wuu dhashaa, wuu koraa, wuuna dhintaa sida naflaha oo kale. Afku wuxuu dhintaa haddii la waayo cid ku hadasha, ka horse wuxuu yeeshaa calaamado lagu garto halka uu ku sii socdo.

Jiilka soo koraya waa aayaheenna, ku hadalkooda afka hooyana waa aayaheenna oo samaada ama xumaada hadba sida ay ugu hadlaan ayey ku xidhan tahaye.

Cilmibaadhisyo badan oo la sameeyey ayaa waxa ay sheegayaan ilmaha ku hadla afaf kala gedisan in ay qeyb weyn ka ciyaari karto aqoontooda, korriinkooda maskaxeed iyo weliba fursadooda mustaqbaleedba.

Cilmibaadhis ay sameysay Jaamacadda York “Ontaria” ee dalka Kanada ayaa waxaa lagu sheegay in ku hadalka ama aqoonta afaf kala gedisan ay hagaajineyso habka dhiig wareegga maskaxda, dadka ku hadla afaf badan maskaxdoodu horay uma gabowgo waxaana u fudud xusuusta iyo xifdinta ayey leedahay daraasadaas.

Waalidiinta intooda badan way rabaan in carruurtoodu ku hadlaan af Soomaali, laakiin wahsi ama/iyo fududeysi awgood ayeyna culeys u saarin arrintaas muhiimka ah.

Bal si ay waalidiin badan oo Soomaaliyeed ugu fududaato ayaan waxaan halkan ku soo gudbinayaa talooyin ay bixisay Dr. Foufou Savitzky oo ka tirsan London Language and Literacy Unit, South Bank University waxa ayna yihiin:

Mar walba kula hadal caruurtaada afkaaga hooyo xitaa marka uu ilmuhu aad u yar yahay oo uusan fahmeynin ha ahaato markaad wax karineyso, ama aad wax qoreyso ama aad wax iibsaneyso iwm.

Ku bar ilmahaaga ciyaaraha iyo heesaha afkaaga hooyo.

Ugu sheeg sheekooyin afkaaga hooyo kuna dhiiri geli in uu kula soo galo sheekada.

Markaad kala hadlayso meeshuu ku soo ciyaaray, xannaanada ama dugsiga uu jiray kula hadal afkaaga oo weydii waxay maanta soo qabteen, haddii uu kuugu jawaabo af Ingiriis, ku celi waxa uu yiri adigoo ku sheegaya afkaaga.

Ha ka xishoon in aad ku adeegsato afkaaga meelaha dadku isugu yimaaddo, haddii uu ruux kugu dhibsado maaha hawl adiga kuu taala ee waa mid ruuxaas u taalla.

Hubi in uu ilmuhu yaqaan magacyada afafka uu adeegsado.

Hubi in uu kala saari karo.

U kaxee ilmaha riwaayadaha, meelaha lagu ciyaaro, goobaha gabayada lagu akhriyo, filimada iwm oo ay ka maqli karaan dad ku hadlaya afkaaga.

Ku dedaal in ilmahaaga ay la ciyaaraan ilma kale oo ku hadla afkaaga.

Raadi haddii uu jiro dugsi ay jaaliyaddu ku dhigto afkaaga hooyo, ilmuhu wuu ka faa’iidayaa fasalladaas uu tegeyo.

U soo raadi ilmahaaga buug ku qoran afkaaga, haddii aad weydo isku day in aad adiga mid u diyaariso adigoo kaashanaya dad kale.

Ku dadaal sidii ilmahaagu ugu faani lahaa afkaaga.

Haddii ilmuhu si aan sax ahayn ugu dhawaaqo ha ku qoslin.

Carruurta Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool waxa ay haystaan fursad weyn oo ah in ay noqon karaan kuwa isku si ugu hadla laba luqadood “bilingual” maxaa yeelay, waxa ay ka soo jeedaan Soomaali waxa ayna ku nool yihiin meel uusan af Soomaaligu ahayn afka rasmiga ah ee la adeegsado.

Haddii aan u imaaddo faa’iidooyinka ilmaha afkooga ku hadla ay ka heli karaan waxaa ka mid ah:

1. Isfahamka iyaga iyo waalidka ayaa kor u kacaya.

2. Waxay u fududeyneysaa in ay ehelkooda ballaadhan la xidhiidhaan (habaryar, abti, eddo, adeer, awoowe, ayeeyo, ilma adeerro/abti iwm). haddii ilmuhu uusan

aqoon afkooga hooyo xidhiidhkaas wuu go’ayaa.

3. Waxay u fududeysaa bulsho dhexgalkooda.

4. Carruurtu waxay dareemayaan jiritaankooda, summadooda iyo in ay

yihiin dad af iyo dhaqan leh, bulshada ay la nool yihiina ay ku

tixgeliso

5. Waxay siin kartaa fursado shaqo haddii looga baahdo.

Ugu dambeyntii haddii ilmaha labadiisa waalid mid ka mid ah uusan ahayn Soomaali waa wax la garan karo, laakiin ilmo labadii waalid ay wada yihiin Soomaali haddana aan af Soomaali ku hadli karin, taa wax lagu fasiri karo ama mar-marsiiyo loogu raadin karo ma jiraan.

Waxaan ku soo gunaanadayaa in ay waalidiintu ku dedaalaan sidii ay carruurta u baran lahaayeen ama ugu hadli lahaayeen af Soomaaliga.

Written by

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *