Waayo-aragnimadydii iyo Waayaha Qurbaha

Inta la hubo ama leysla qirsan yahay Soomaalidii ugu badneyd waxa ay soo galeen waddamada reer galbeedka sagaashannaadkii. Iyaga oo soo raadsadey nolol dhaanta tii wakhtigaasi ay ku sugneyd xaaladdii Soomaaliya. Dadka wakhtigaasi qurbaha yimid waxa laysla qirsan yahay iney yihiin kuwii ugu ladnaa dhaqaale ahaan ee awoodi karaayey in ay u soo hayaamaan wadamada reer galbeedka ee ay ka jirtey nolol dhaqaale ahaan dhaantey tii waddanku galay.

Anigu waxaan markaas ka mid ahaa dadkaasi soo galay wadamada reer Yurub sagaashanaadkii ee soo maciin bidey nolosha taalla qurbaha. Waxa aan haddaba qoraalkan oo noqon doona mid si joogta ah aan u qori doono aan kaga warami doonaa waayo-aragnimadii aan ka korodhsadey ee ku aadaneyd sida dhallinta iyo carruurta qurbaha ku kortey loogu dedaali lahaa. Arrintani waxa ay igu dhallatey ka dib markii aan isweydiiyey su’aalo badan oo u baahan faaqidaad iyo ka tashi qoto dheer oo ku saabsan xaalka dhallinta iyo carruurta ku kortey wadamadan aynu u soo haajirney sida uu ku dambeyn doono sannooyinka badan ee soo socda haddii Alle idmo. Soomaalidu arrimaha siyaasada waa ku kala tagtey, iskumana fahmaan ama aragti kama wada qabaan, haseyeeshee qurbaha marka la joogo waxa ay wadaagaan arrimo badan oo u baahan in ay iska kaashaan oo meel uga soo wada jeedsadaan oo saameeya noloshooda gaarka ah.

Waayo saansaanta muuqataa waa mid cabsi badan leh, oo jiilkan soo socda laga yaabo inay soo wejihi karto khatarro badan oo ku gadaaman, hadday tahay dhinaca diinta, dhaqanka, afka iyo ee ummadda Soomaaliyeed baadisooca gaarka ah u lahayd. Waxa jira waalid yar oo kooban oo ka badbaada khatarahaasi oo awlaaddu u aflaxdey, inaga oo qiimeyneyna ta guud ee Soomaalidu ku sugan tahay, waxa ay ila tahay in dhawr arrimood oo waa weyn haddii laga midho dhaliyo ay wax badani iska beddeli karaan xaallada qalafsan ee hadda lagu jiro.

  • In la abuuro cilmi baadhisyo qotodheer oo lagu lafoguraayo saameynta qurbuhu inagu yeeshey, iyo waxa aynu ka taransaney
  • Sidii leysku weydiin lahaa dhibka jira ee loo heli lahaa xal waara oo ummadda Soomaaliyeed dhinac kasta ka anfaca
  • In la xoojiyo barashada afka hooyo, oo ubadka lagula dedaalo sidii ay u baran lahaayeen afkooda hooyo,
  • In bulshada Soomaaliyeed sameystaan madallo lagu baraayo afka, dhaqanka iyo hiddaha ubadkooda
  • In dhallinyarada loo qabto tartamo dhinaca afka, iyo dhaqanka ah oo jaaliyadda Soomaaliyeed ee Bristol ay iska kaashadaan, taasi oo aan hubo iney waxtar weyn u yeelan doonto kor u kaca barashada afka
  • In la badiyo xafladaha lagu dhiirigelinaayo afka iyo dhaqanka ee ay ka midka yihiin sida wargeyskan KOBCIYE oo kale

Ugu dambeyntii waxa mudan in waalidka aan aqoonta badan u laheyn arrimaha waxbarashada, iyo xaaladaha waddankan aynu ku suganahay laga caawiyo, oo la helo madal lagu taageero waalidkaasi iyo in ubadkeenna lagu dedaali sidii loo bari lahaa afkooda, dhaqankooda iyo sooyaalka ay ka soo jeedaan oo sugan.

Written by

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *