Soomaalida iyo Autism-ka

Tan iyo muddooyinkii dambe ee Soomaalidu dibbadaha ay u soo guureen (Qaxeen), waxa ay carruur badan oo dibbadaha ku dhashey la soo darsey Autism oo saameyn ba’an ku haya bulshada Soomaaliyeed ee kala deggen Yurub, Mareykanka, iyo Ustareeliya iyo guud ahaan caalamka. Sidaa oo ay tahay Autism kuma ee ka uun Soomaalida ee bulshooyinka kale ee la la deggen yihiin dhammaantood waa kuwa ay ka siman yihiin in carruurtooda uu ku wada dhaco, mana aha xaalad ku dhacda cid ama qoomiyad gaara oo deggen meelahaasi aan soo xusey. Xaqiiqaduse waxa ay dadkaasi si kasta oo ay u haystaan dhakhaatiir tayo iyo tamarba leh, aaney haddana Autism waxba uga qaban. 

Daraasado badan oo ay sameeyeen waddamadaasi horumarey ilaa hadda wax natiijo ah lagama hayo, waxase laga hayaa iney carruurtaasi sida ay u xanaaneeyaan, ama ula dhaqmaan ay heer sare tahay. Waxa ay ku dedaalaan in baahiyaha gaarka ah ee ay qabaan carruurtaasi ay xil adag iska saaraan, iyaga oo u sameeya adeegyo badan. Adeegyadaasi Soomaalidu aad ay uga faa’iideysteen.

Waagii Soomaalidu deggeneyd ee waddankii la joogey xanuunkani miyuu jirey? Waa weydiin hubanti ah in dad badani aanney sida ay tahay uga jawaabeynin, waxase run ah inuu jirey waligiiba Autism, se Soomaalidu u taqaanney uun magacyo kale oo badan, oo ay la xidhiidhinaayeen waalida uun. Hasayeeshee waxa wax badan laga ogaadey markii dibbadaha loo soo baxay in Autism uu kala duduwan yahay. Arrinta aanse lagu murmi karin waa in Soomaaliya carruurta joogta uu aad ugu yar yahay marka la barbar dhigo carruurta ku dhalatey waddamada reer Galbeedka. Arrintaasi oo u baahan daraasad gaara, maqaalkani uma ban bixin inuu xoogga saaro arrintaasi, waxase laga yaabaa in dad kale, oo aqoontooda gaarka ahina ay tahay dakhtarnimo ay sameyn karaan daraasaddaasi.

Soomaalida qurbaha deggeni inkasta oo aanney Autismka carruurta haleela aaney sida ay tahay aqoon badan ugu laheyn, haddana qoysaska uu haleeley oo tiro badan dhibaatooyin badan oo ay qabaan ayaa jira oo aaney qabin qoomiyadaha kale ee waddamada reer Galbeedka deggeni. Tusaale ahaan qoysaska Soomaalidu waxa ay sameeyaan in ay isku dayaan iney qariyaan carruurta Autism qabta oo aaney geynin goobaha looga baahan yahay inta hore oo dhan, arrintaasi waa khatar weyn oo maqaalkani ka digaayo, waayo Autism Alle ayaa keeney in lagu qancaana waa lagama maarmaan. 

Maqaalkani waxa uu si gaara ugu talinayaa in Soomaalidu soo dhaweyso, si wacanna ula dhaqanto carruurtaa uu haleelay Autism, iyo carruuraha kale ee qoysaska kale haystaan.

Arrinta kale ee iyaduna xusidda mudani waa Soomaalidu malaha xarumo bulsho oo arrintan si gaara uga hawl gala, oo kaalmeeya ama wax tara carruurta la nool Autism-ka ee Soomaaliyeed meel kasta oo ay adduunka ka joogaan.  Taasi cakiskeeda dhammaan qawmiyadaha kale waxa ay leeyihiin ururo, ama sakhsiyaad taageera oo si weyn uga qeyb qaata dhinac kasta. Taageerridu maaha uun dhaqaale, ee waxa ay noqon kartaa inaad xataa niyadda u dhisto, la joogto, hadiyado u geyso, kulamo u qabto waalidiinta la tacaala carruurta la nool Autism ee Soomaaliyeed. Maqaalkani waxa uu tusaale ama ibo fur u noqon doonaa wacyigalinta arrintaasi iyo in lagu dhiirado sidii loo caawin lahaa waalidiinta haysata carruurta yaryar ee Autism-ka, iyo maqaalo joogto ah oo aanu kaga hadli doono Autism oo uu kani bilow u yahay.

Siciid waa qoraha buugga “Waa Maxay Autism iyo Xaaladaha La Xidhiidha? 2018, Bristol

Written by

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *